Buug laga qoray tayada badeecadaha Soomaaliya Dibadda ay u dhoofiso oo lasoo bandhigay

Date:

Muqdisho (SNTV) Buugan ayaa waxaa uu iftiiminayaa Tayada badeecadaha Soomaaliya Dibadda kala soo dagto iyo kuwa ay u dhuufiso.

Buugan ayaa waxaa qoray Cabdiqaadir Ibraahim Sheekh Nuur oo ah aqoonyahan da’yar ah waxaana Munaasabadda lagu soo bandhigayey kala qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Aqoonyahano iyo dhalinyaro.

Cabdirqaadir Ibraahim Qoraaga Buugan ayaa waxaaa uu sheegay in tayo dhowrka Soomaaliya qabado badan hortaagan yihiin buugana ay ku cadahay sidda qabadahaas looga hortagi karo.

“Buugan waxaa uu dul istaagayaa badeecadaha Soomaaliya dhanka Dibadda kala soo dagto iyo tayadooda waxaa kale oo uu ka hadlayaa xaaladda wadankeena hadda ku sugan yahay dhanka Faayo dhowrka kaas oo aan ka rabno in uu noqdo mid dhowrsan”

Sidoo kale Qoraa Cabdiqaadir Ibraahim  ayaa sheegay in Buugisii ay kucadahay Cilmi baaris lagu sameeyey qaabka dalka lasoo galiyo Badeecooyinka dhacay iyo meelaha laga keeno.

Cumar Ali Rooble kamid ah lataliyaasha Madaxweynaha ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan in ladhiiro galiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed kuwaas oo ka shaqeynaya siddii ay u soo saari lahaayeen wax anfaca dalka iyo dadka.

Gudoomiye ku xigeenka Hey’adda qaabilsan Faayo Dhowrka Soomaaliya Cabdullaahi Salaad ayaa dhankiisa sheegay in toosin faayo dhowrka meel wanaagsan marayo.

“Hey’ada Faayo Dhowrka Soomaaliya waa mid madax banaan taas oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda waxaana dooneynaa in aan qabo shaqooyin badan kuwaas oo laxiriira dhanka Faayo dhowr”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...