Xuska maalinta caalamigah ee xuquuqda aadanah ayaa ah mid loogu wacyi galinayo bulshada ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanah iyo in la joojiyo xadgudubayada ka dhanka ah Aadanaha,soomaaliya ayaa qayb ka ah golaha Qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha.
Sanadki 1948 ayeey aheyd marki shirki golaha guud ee qaramada midobaay la isku raacay in 10dacembar ayaa tahay maalinta caalmaiga ee dhowrida xuquuda aadanaha, madaama loo asteeyay wasaarada haweenka iyo hormarinta xuquuqda aadanaha ee soomaaliya ayaa xusta sanad wilba 10 dacembar ahmiyadda ay ledahay maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanaha.
”dhanka kale waxaa inta badan bulshada aysan ku baraarug saneyn dhibtada uu leyahay gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha kasoo dhibto ku ahaya gabdhaha ku dhaqan dhulka miyiga ah ee gobolada dalka qaybo ka mid ,inkasto wacyi galin ay sameyaan dadka u dhaqdhaqaaq xuquuqda aadanaha hadan kuma wadda filan waxaa sidasi qabta” Ifraax Axmed oo ah guddoomiyaha hay,adda Ifraax foundation sido kale kulan ay yeesheen ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Filand H.E Mr Samuli Virtanen iyo madaxa hay’adda UNDP u qaabilsan soomaaliya Mr george Conway ayaa waxay kawada hadleen arrimaho ku saabsan xuquuqda aadanaha soomaaliya iyo sidii loo joojin laha xadgudubayada ka dhacah soomaaliya ee loo geysto dadka uu nugul wax yeelada.