Ciidanka ammaanka Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa Gacanta kusoo dhigay Laba xubnood oo ka tirsan Kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab, ka dib howl-gallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah Shabeellada hoose, sida  ay hay’adda NISA ku daabacday boggeeda Twitter-ka.

Howl-galka oo si taxaddar leh ugu dhacay Xafiiska Xizbada Al-Shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Sabiid Caanoole , ee Gobolka Shabeellada hoose, ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Saanad Ciidan iyo walxaha qarxa.

Qoraalkan ayaa lagu yiri, muhiimadda koobaad ee Ciidanka amniga waa ka hortagga Kooxda  Al-shabab iyo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...