Mareykanka oo faah faahin ka bixiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Date:

Muqdisho December 6 (SNTV):-War ka soo baxay taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay howlgalkii ugu dambeeyay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,kaasi oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Owdheegle lagu dilay ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyaadka Alshabaab,kadib markii la beegsaday labo xarumood oo dadka shacabka ah ay baada kaga qaadi jireen.

Howlgalka oo ay si wada jir ah u qaadeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa dhacay xili habeen ah,waxaana Mareykanka uu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dad shacab ah.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in lagu burburiyay waxyoobo qarxo oo ay Alshabaab gawaari ay ku diyaariyeen.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay weerarada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab oo ku dhuumaalaysanaya qeybo kamid ah gobolada dalka,iyadoo horjoogayaal iyo saraakiil badan lagu khaarijiyay duqeymo iyo howlgalo toos ah oo lagu qaaday Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...