Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal

Date:

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Mudane Carlo Campanile, Safiirka Talyaaniga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay sida uu ugu riyaaqsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo carabka ku adkeeyay qoto dheerida xiriirka istiraatiijiyadeed, waxa uu carabaabay rajada uu ka qabo in la horumariyo iskaashiga laba dhinaclaha ah si loogu adeego dano wadaagga labada dal iyo waxyaabaha ka qeyb qaadanaya horumarka iyo barwaaqada laba shacab.

Dhankiisa, Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu dib u soo celiyo iskaashiga qotada dheer ee kala dhexeyn jiray Soomaaliya si loo xoojiyo wax wadaagga heer kastaba leh, isagoo tilmaamay in Roma ay joogtayn doonto isku duwidda heerka sare ee Muqdisho si loo ballaariyo iskaashi wax ku ool ah oo ka dhasha mas’uuliyadda qaran oo ka guul keenta rajooyinka muwaadiniinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...