Ciidamada ammaanka Galmudug oo ku raad jooga kooxo hubeysan oo gaari ku rasaasadeeyay Godinlabe

Date:

Laamaha ammaanka gaar ahaan Ciidamada Booliiska ah ee Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa wada Baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxo hubeysan oo Habeen hore Gaari ku rasaasadeeyey deegaankaasi.

Gaariga la rasaasadeeyay ayaa ku sii jeeday Magaalada Gaalkacyo,waxaana rasaasta ku dhintay hal qof,halka Tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka deegaanka Godinlabe ayaa wada baaritaanka,iyagoo ku raad jooga kooxihii hubeysnaa ee falkaasi geystay.

Taliyaha Saldhiga Booliska deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud Maxamed Salaad Axmed ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay qaadeen tallaabo ay gacanta ugu soo dhigaan burcaddii gaariga dhibaatada u geysatay,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray iney hayaan cadeymo muujinaya halka ay ku sugan yihiin kooxaha,taasi oo u sahli karta askarta iney si fudud gacanta ugu soo dhigaan si sharci loogu qaado.

Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa waxay si joogta ah u sameeyaan Howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Deegaanada Gobolka Galgaduud si looga hortago kooxaha burcadda ah ee jidka u gala dadweynaha isaga kala goosha Gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidanka oo ku biiraya howl-gallada ka dhanka ah argagixisada

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal...

Boliiska Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada ciidan

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee KGS oo qaabilay guddoomiyaha Urur siyaasadeedka SINCAD

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,...