Muqdisho November 18 (SNTV):-Iyadoo dhawaan dowlada soomaaliya ay sameysay Tirakoob lagu ogaanayey tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliyeed ayaa gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Soomaaliyed Mudane Xasan Abshirow Maxamed waxa uu kaga ย warbixiyey halka uu marayo iyo waxa kasoo baxay tirakoobkaas.
Mudane Abshirow oo wareysi gaar ah xafiiskiisa kusiiyey warbaahinta qaranka ayaa ย ka hadlay arimo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qabto guddiga shaqaalaha rayidka, waajiibaadkiisa, tirada shaqaalaha rayidka, rag iyo dumar waxay kala yihiin xuquuqahooda.iyo waxa kasoo baxay tirakoobki dhawaan ay sameeyeen.
Mar uu ka hadlayey natiijada kasoo baxday tirakoobkaas waxa uu sheegay in laga diyaariyey qabyo qoraal dhawaannna lasoo bandhigi doonno.
โTirakoobkii lasameeyey waxaa Hormuud ka aheyd wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada soomaaliya, Annagana qeyb ayeynu ka aheen, kaligeenna ma aheynne laakiin hayโado badan oo ay kamid ahaayeen; xafiiska hanta dhowrka, iyo xafiisyada xisaabaha guud iyo Kan raโisalwasaaraha, runtii waana lasoo tirakoobay qabyo qoraalkii laga sameeyeyna gabagaba ayuu marayaa, si rasmi ahna waxaaloo sheegi doonnaa marka uusoo dhammaadoโ ayuu yiri Gudoomiye Abshirow.
Mar uu ka hadlayey Gudoomiye Abshirow ย xuquuqaadka shaqaalaha rayidka waxa uu sheegay in inkastoo duruufo iyo dhaqaala yari ayย wadanka ay kajirto oo ay shaqaalaha ysan helin xuquuqaadkii loo baahnaa hadana dowladu ay kudadaasho sidii loosiin lahaaย xuquuqaadka loo heli karo.
โshaqaalah rayidka a boqolkiiba boqol maย helaan xuquuqaadka loo baahnaa taasina waxaa keenaya duruufaha iyo dhaqaala yaridaย wadanka kajitaย inkastoo haatan dib usoo kabasho lagu jiro, laakiin way jiraan xuquuqaad isugu jira dallacsiin Tababaro udheer mushaarkooda oo lasiiyo shaqaalaha rayidkaโ ayuu yiri Gudoomiye Xasan Abshiro Maxamed.
Mar aan weydiinay Gudoomiyha sharci ahaanshaha shaqaalaha rayidka ah ee ka mid noqoshada ย xisbiyada siyaasadeed ee dalka ย waxa uu sheegay in shaqaalaha rayidka, ciidamada iyo guddiyada Madax bannaanba ย aysan kaqeybgali karin kana mid noqon karin xisbiyada siyaasadeed ee jira, isagoo taas kusababeeyey in shaqaalaha rayidka ay ka shaqeynayaan dan guud ah oo dad loo qabanayo, haddiise ay xisbi galaan ay noqoneyso mid dhinac ah oo danaha xisbigaas un ka shaqqeynaya..
Gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed oo aan weydiinay in sanadka soo socda ee 2019ka la qaadanayo shaqaale rayid ah waxa uu sheegay in baahida qaadashada shaqaalaha aysan ka imaan Guddiga laakiin ay ka timaado Hayโadaha kale eeย Dowlada, taasina ay kuxirantahay hadba sidii dhaqaale iyo miisaaniyad loogusoo helo dadka cusub ee la qaadanayo.
Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa waxa ay shaqadiisa tahay qorida, diwaangalinta, dallacsiinta, Ruqseyntaย iyo Abaalmarinta dhammaan shaqaalaha rayid ee dowlada, waxaana lagu ansixiyey xeer Golaha wasiirada soo maray, Golaha shacabka ay ansixiyeen iyadoo Madaxweynaha uu xeer kusoo saaray.