Maamulka Gobolka Banaadir oo kaalmo u fidiyay Dhibbane Sacdiyo Saleemaan

Date:

Muqdisho (SNTV)–Hooyo Sacdiyo Saleebaan, oo ka mid aheyd walaalihii ku waxyeeloobay Weerarkii Argagixisada todobaad ka hor ay ka geysteen Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, ayaa ah hooyo dhashay 5-caruura, waxaana weerarkaasi ay ku weysay qeyb kamid ah labadeeda lugood, iyada oo wajiga iyo xubno kale oo jirkeeda kamid ah uu soo gaaray dhaawac culus.

Isbitaalka Erdogan, Ex digfeer, oo lagula tacaalayo xaaladeeda Caafimaad waxaa ku booqday Guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada Basmo Caamir Shakeeti oo ay wehliyeen Xubno kale oo kamid ah maamulka gobolka, si looga warhaayo xaaladda caafimaad ee Sacadiyo iyo dhaawacyada kale ee kujira Isbitaalka ee weerarkaasi uu wax kasoo gaaray.

Jawaahir Baarqab Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir oo ka mid aheyd xubnihii gaaray Isbitaalka ayaa tilmaamtay in dhaawacyadii soo arkeen ay u baahan yihiin caawinta dadka Soomaaliyeed.

Gudoomiye kuxigeenka maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir ayaa sheegtay in maamulka gobolku uu balan qaaday masuuliyadda nolosha caruurta Sacdiyo iyo baxnaaninta xaaladeeda caafimaad.

Al-shabaab oo geystay weerarka ay dhibaatada kasoo gaartay Hooyo Sacdiyo waxaa ay ku faanaan bartilmaameedsiga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...