Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo Hay’adda IOM oo Mashaariic ka Fulinaya Balcad

Date:

Muqdisho (SNTV) Mashaariicdan Hormarineed oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’adda IOM ay ka fulinayaan degmada Balcad waxaa kamid ah dhismaha Ispitaalka Guud Degmada Balcad, Hool Lagu qabto shirarka, Garoon lagu ciyaaro kubadda cagta iyo Mashaariic kale oo hormarineed.

Gudoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo qaar kamid ah Xildhibaano katirsan Hirshabeelle ayaa si wadjir ah udhagax-dhigay Garoon kubadda cagta, iyadoo Guddoomiyaha uu kaga Mahadceliyay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Hay,ada IOM sida ay u Garabtaagan yihiin shacabka Degmada Balcad.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka kan Maamulka Degmada Balcad waxaan uga mahadcelinaya Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka iyo Hay,ada IOM sida ay u garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed ee kunool Balcad Mashaariic muhiim ah ayee Balcad ka fulinayaan waa kuwa dhammaantod muhiim inoo ah”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Balcad.

Madaxa Mashaariicda Hay,ada IOM Maxamed Cumar ayaa faah-Faahin kabixiyay mashaariicda ay ka fulinayaan Degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha dhexe.

“Mashaariicda Balcad ay ka fulinayaan Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka iyo Hay,ada IOM  anigoo ku hadlaya Magaca hay,ada waxaa Balcad ay tahay degmo muhiim ah waxaana kamid ah Mashaariicda Garonka aan dhagax-dhigay maanta Ispitaalka iyo Mashaariic kale oo muhiim ah Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka ayaa howlaha wado iyada ayaa looga mahadcelinayaa”ayuu yiri Madaxa Mashaariicda Hay,ada IOM Maxamed Cumar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...