Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka geeddi socodka dayn cafinta Soomaaliya

Date:

Muqdisho november 13 (SNTV);-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo natiijada kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay intii kulanku uu socday in kulankii maanta looga hadlay meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaare Khayre ay uga warbixiyeen guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dawladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka ee Isbitaalka De Martino

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo tacsiyeey geerida Abwaan Cabdulle Geeda-naar

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane...

Wasiir Cali Xoosh oo kulan la qaatay Shacabka Jowhar iyo Madaxda Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka...

SoDMA oo Gargaar Raashin ah u qeybisay Qoysas dan yar ah oo ku sugan Deyniile

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa waxa...