Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Date:

Muqdisho (SNTV);-ย Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow โ€œDucaaleโ€ ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirka saddex bilood laha ee Hayโ€adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,kaasi oo looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hayโ€adda,waxaana sidoo kale mudada uu socdo lagu soo bandhigayaa caqabadaha iyo horumarinta adeegyada ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah kii 7-aad ee Hayโ€adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soconaya mudo labo maalin ah waxaana inta uu socdo diirada lagu saarayaa tayeynta iyo sare u qaadista shaqada adag ee hortaalo Hayโ€adda.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha Guud ee Hayโ€adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaashanle Sare Cornel Maxamed Adam Jimcaale Koofi,Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow โ€œDucaaleโ€,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Ahmed Cali Daahir iyo Masโ€™uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hayโ€adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mr. koofi oo ka hadlay shirkan oo ah kii 7-aad oo Hayโ€™adda ay u qabato Masโ€™uuliyiinta Laamaha ee Gobolada dalka ayaa sheegay in howlo muhiim ah ay qabteen saddexdii bil ee la soo dhaafay,isagoona xusay in Hayโ€adda ay qeyb weyn ka qaadatay horumarinta dakhliga dalka oo ay uruurisay dhaqaalo fara badan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cisman (Injneer Yariisow) ayaa shegaay in Maamulka Gobalka Banaadir ay ka Goโ€an tahay Xoojinta Wadashaqeynta adag ee Ka dhaxeyso Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir Ayaa shegaay in loo bahan yahay dhowrista sharciga dalka u yaalo si loo ilaaliyo Qaranidimada Umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow โ€œDucaaleโ€ oo ka hadlay shirka ayaa kula dardaarmay Shaqalahaa iyo Masโ€™uuliyiinta Hayโ€adda Socdaalka iney ka dheeradan wax walibo oo musuq-maasuq ah oo caqabad ku keeneyso shaqada Qaranka loo haayo,isagoona Hayโ€adaha amniga faray iney Hayโ€™adda socdaalka kala shaqeeyaan xoojinta iyo wax ka qabashada caqabadaha ay soo gudbiyeen.

Hayโ€™adda Socdaalka Iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo qorshayaal ay ka mid yahiin dhammestirka dib u howlgalinta bar Koontoroolada Xuduudaha Dalka,ย dar dargalinta dhismaha Xarunta dhaxe ee Hayโ€adda,ย dhammestirka dib uu eegista sharciyadaย  Socdaalka ,Baasaboorka iyo Sameynta Sharciga dhismaha Hayadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale