Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay

Date:

Muqdisho Octobe 18 (SNTV):- Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is dhaafsanayeen qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dalka.

Carwadan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 60 shirkad, jaamacad, iyo hay’ado dawladeed oo ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada wuxuu ujeedkeedu ahaa inay fursad u helaan ay isku bartaan dhexdooda, isla markaana ay dadweynaha ku baraan waxa ay qabtaan.

Kumannaan dhallinyaro u badan oo carwada ka soo qeybgalay ayaa fursad u helay inay la kulmaan madaxda shirkadaha iyo jaamacadaha iyo mas’uuliyiinta dawladda ee xiriirka la leh arrimaha Teknoolojiyada.

Waxaa si gaar ah dhallinyarada u soo jiitay qalab lacag la’aan ah oo lagu guuleysanayay intii ay carwadu socotay oo ay bixinayeen inta badan shirkadaha ka soo qeyb galay, iyadoo ay xusid mudan tahay in jaamacadaha Plasma iyo Horseed iyo Machadka Isgaarsiinta Qaranku ay ku deeqeen 15 deeq waxbarasho oo la siinayay dhallinyarada, halka qabanqaabiyeyaasha carwada ay bixiyeen laptop cusub.

Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay la daah furay cinwaanka (.me.so) oo loogu talo galay shakhsiyaadka, kaas oo si lacag la’aan ah ay ku guuleysteen dhallinyaro qorayaal ah si loogu dhiirrigeliyo inay wax qoraan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo xafladda xiritaanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ula dhacay tayada adeegyada iyo fikradaha la soo bandhigay.

“Anaga dawlad ahaan waxaa nalaga doonayaa inaan abuurno jawi saamaxaya in dhallinyarada hal-abuurka leh ay ku aasaasaan fikrado shaqo-abuur u sameynaya naftooda iyo saaxiibadood,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Md Eng. Cabdi Cashuur, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, oo soo xiray carwada ayaa sheegay in carwadani ay muujisay awoodda, kala-duwanaanshaha iyo xiisaha bahda isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada sida ay u dhan yihiin.

“Waxaan aragnay in carwadani ay bari-taareyso horumarka isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka maadaama ay siisay fursad lagu arko waxqabadkooda, Hadduu Alle idmo waxaan sii wadi doonnaa inaan abuurno fursado kale oo lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo La Wareegtay Awoodda Garsoorka ee Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay kaalinteeda hoggaamineed ee...

Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi...

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay qoysaska ay abaartu sameysay ee ku nool gobolka Hiiraan

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay bulshada ku dhaqan...