Bankiga adduunka oo sheegay inuu kordhayo dhaqaalaha Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV)- Bankiga adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan kordhi doono Saddex ilaa Afar boqolkiiba, wuxuuna daabacay qiimeyntiisii Saddexaad ee ay ku sameeyeen dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo muujineysa qodobada ugu waa weyn ee tilmaamaya inuu dhacay horumar dhaqaale iyo in kale.

Warbixintan ayaa timid iyada oo sanadkii hore Soomaaliya ay ku habsatay abaar si weyn waxyeelo ugu geysatay xoolaha nool, gaar ahaan dhulka reer miyiga, waxaana bankiga adduunka uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii hore kordhay 2.3%, halka midkii kaas ka horeeyay 2016-kii uu dhaqaalaha ahaa 4.4%.

Bankiga adduunka ayaa sheegay intaasi ay muujineyso sida ay abaartu u keentay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu taariikh ahaan ku tiirsana dhoofka xoolaha.

Wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri “Waa warbixin aan dooneyno inay soo baxdo Lixdii bilood ee kasta, warbixin kasta waxa ay leedahay mowduuc hoos loogu eego, warbixintan waxay si gaar ah u eegeysaa lacagaha la isku weedaarsado telefoonada, fariinta dhaqalaha ee warbixintan ay dirreyso ayaa waxa ay tahay abaartii sanadkii hore dhacday inay hoos u dhac ku keentay dhaqaalaha”.

Warbixinta bankiga adduunka ayaa waxa ay si weyn u ammaantay kobaca iyo doorka dhaqaalaha ee hananka lacagaha la isugu weedaarsado telefoonada hadii ay ahaan laheyd xawilaadaha iyo wax kala iibsigaba.

Waxaa bankiga adduunka uu sheegay in bishii uu sareeyo 155 Million is weedaarsi lacageed ama wax kala iibsasho la isugu gudbiyo telefoonada, taasi oo ku fadhida aduun dhan 2.7 Bilyan oo dollar bishii, wuxuu kaloo bankigu tilmaamay in lacagaha telefoonada ay ka xoog bateen lacagaha waraaqda ah ama cadaanka ah ee ka jira Soomaaliya.

“Caqabado badan ayaa ka jira Soomaliya oo dhanka amniga iyo siyasadda la xiriira, waxa keliya ee si wanaagsan u shaqeeya waa dhaqaalaha ku saleysan shirkadaha gaarka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay wuxuu wax weyn ka qabtay dhaqaalaha Soomaaliya, kala wareejinta lacagaha ee dhinaca telefoonada Soomaaliya waa mid ka mid ah talaabooyinka ugu horumarsan dunida, waxayna taasi fursad u tahay kobaca dhaqaalaha”. Ayuu markale yiri wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya.

Bankiga adduunka ayaa wuxuu sheegay waxyaabaha nugeylka u keenaya in ay ka mid yihiin cilad ka imaaneysa in qofka wax iibsanaya aanu jirin hab difaacaya hadii uu muran dhaco ama in kan wax diraya uusan aqoon dadka uu wax u dirayo iyo in bankiga Soomaaliya uusan wax la socod ah ku laheyn hanaankan, waxaana bankiga uu soo jeediyay intaasi ay u baahan tahay sharci dejin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...