4 illaa 5sano kahor waxa aad loo yaqaanay qaadka, sigaarka, badeecada oo shiishada ah, tubaakada iyo calaqa; balse waxaa ka dambeeyay oo dalka yimid maandooriye ka gedisan intaas oo dhan – qaab isticmaalka – kana fudud isla markaana ay qabatimeen in badan oo kamid ah jiilka aan looga baran maandooriyayaasha. Kuma cusuba maqalka dhagahaaga oo waxay ila tahay inaad maqashay maandooriyaha Taabuuga.
Taabuugu waa tubaako farsameysan oo casri ah, waxaa la qiyaasaa inay soo baxday horraantii 1930-kii iyada oo siyaabo kala duwan u gaartay wadamada adduunka. Waxa uu ka sameysan yahay daroogada sigaarka iyo shiishada oo laga isticmaalo badi wadamada soo koraya.
Adeegsiga taabuuga wuxuu ku badan yahay dhalinta Soomaaliyeed iyaga oo u isticmaala awood siinta jirka iyo inay firfircooni ka helaan. Qaarkood kama heystaan faham buuxa waxa yaabaha uga imaan kara.
Majirto qof kamid ah dhallinyarada isticmaasha Taabuuga waxa kagag sheegi kara waxa ay ka helaan oo waxaa ka muqanaya xishood kamana sheekeyn. Taas beddelkeeda waxay ka dharagsan yahiin in ay tahay khalad isticmaalkiisa balse ay qabatimeen.
Qeybahiisa soo gaaray dalka waxaa kamid ah; Hot & Galaxy. Way kala duwan yiihin, qofba waa midka uu barto uuna qabatimo, inta badan waxaa loogu isticmaal badan yahay nooca la yiraahdo Galaxy. Nuucan asal waa uu qiimo sarreeyay balse waxaa hadda yimid isaga oo lasoo dhimay sida ay sheegayaan ganacsatada iibisaha Taabuuga ama tubaakada.
‘Waa ka saameyn badan yahay inta aad fileyso‘ waa hal-ku-dhegga ku qoran nooc kamid ah Taabuugasi Ama Tubaakada.
Sidee loo fahmi karaa dadka isticmaala Taabuuga?
Hadal badan oo aan daal laheyn, Dhidid tiro badan, mararka qaar qofka oo maqane jooga noqda, fahamka ardeyga oo aad u yaraada, dhaq-dhaqaaq faro badan ama ficillo aan xakameysneyn iyo Astaamaha lagu garan karo isticmaalayaasha Taabuuga Ama Maandooriyaha Tubaakada.
Khatarta caafimaad ee Taabuugu leeyahay Ama Tubaakada.
Ka sokow doorsanaanta qofka inta uu u saaran yahay taabuuga, waa maxay dhibaatada caafimaad ee uu leeyahay taabuuga? waxaa ka jawaabaya Dr Cabdullahi Maxamed Cawaale.
“Dhibaatada ugu weyn oo uu geysan karo waxay tahay bushimaha inuu ku yimaado dilaac taas oo sababi karta kansarka afka, si lamid ah dheecaan ayaa ka baxaya, wuxuuna waxyeelaynayaa dhuunta,” ayuu yiri Dr Cawaale.
Dr Cawaale oo sii hadlay waxa uu xusay in la qabsiga ‘adaption’ taabuuga tahay khatar inteeda la’eg.
Ragga iyo dumarka yaa ku khatar badan Taabuuga?
Jinsi ahaan ma loo siman yahay saameynta mise farqi ayaa jira? Dr Cabdullahi Maxamed Cawaale oo ifinaya arrintaasi waxa uu yiri; “Bulshadda marka laga hadlayo dumarka ayaa ku halis badan waayo dhibaatada ugu badan waxa uu u geysan karaa dhalmada,dhiig bax mar walba oo hooyada uur qaado, markay gabar tahayna waxaa macquul ah inuu ku yimaado caado wareer.”
Sidee loo iibiyaa tubaakada taabuuga?
Qaab iibinta lagu garto ayaa ah mid iyana cajiib ah oo koox waliba waxay u taqaan magac gaar ah, qaarna waxay adeegsadaan astaamo aamusnaan ah oo indhaha uun la iskala hadlayo.
Tusaale marka aad joogto goob aad ogtahay in lagu iibiyo waxaa adag inaad ogaato qof iibsanayo sabab la xiriirta qofka oo aan hadlin ayaa dhiibaya lacagta isaga oo lala hadlin ayaana la siinayaa wax gacanta loogu daboolay oo aan bannaan lasoo dhigin.
Sida uu dalka uu kusoo galo taabuuga lama oga. Qaar baa ku leh waddamo Aasiya ku yaalla ayuu ka yimaadaa isaga oo soo mara ama lasoo raacsiiyo badeecadaha dakadda kasoo daga, qaar kale waxay kuu sheegayaan inuu ka yimaado wadamada dariska oo uu garoonka kasoo dago, malahan hubanti sax ah balse waxaa hubaal ah in Af-Soomaali uu ku dul qoran yahay taabuuga oo waxaa la fahmayaa in dad Af-Soomaali yaqaan ah ku lug leeyihiin naqshadeynta, haggaajinta iyo suuq-geyntiisa.
Dhibaatada intaa la’eg ayaa ku foolan wadan dadkiisa kasoo kabanayaan ku dhawaad 30-sano oo dib-u-dhac ah, ubadkiisana aysan haysan tacliin tiir adag ku taagan si lamid ah aan laheyn hoy wacyi-galin iyo dhaqan-celin iyo damaanad qaad caafimaad leh – iyada oo taasi jirto ayaa waxaan jirin adeegayaal faya-dhowr oo u istaagi kara waxa soo galaya dalka goob kasta.
Waxaa qoray Fardowsa Sheik Abdirahman