Denmark oo Aqoonsatay passporka Soomaaliga

Date:

Muqdisho September 9 (SNTV):-Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wifdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Denmark kadib martiqaad uga yimid dowladda, ayaa kulamo la qaatey wasaaradda arimaha dibadda, wasiirka socdaalka, iyo xaafiiska u qaabilsan hormarinta Africa.

Kulamada oo socdey muddo labo maalin ah ayaa xoogga lagu saarey amniga, socdaalka, baasaboorka Soomaaliya iyo kaalmada Denmark ay ku bixiso dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa warbixin ka siiyey madaxda Demark hormarka laga sameeyey dhinacyada dowlad wanaagga, amniga, socdaalka, Dukumentiyada safarka, caddaaladda, iyo la dagaalanka Musuqqa, wuxuuna uga mahadceliyey taageerada iyo tixgelinta ay siiyaan dalka iyo dadka Soomaaliya.

Gabagabadii kulamada ayaa la isla qaatay iskaashi dhinacyada amniga iyo socdaalka ah, waxayna dowladda Denmark aqoonsatey baasaboorka Soomaaliya, iyaga oo ku bilaabi doona nooca diplomaasiga ah. Sidoo kale Denmark ayaa Soomaaliya ka caawin doonta dhismaha xaruunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya dalka, iyo sidoo kale dhismaha xaruunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...