Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo Shiinaha ku kulmay

Date:

Muqdishso (SNTV)- Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa wadahadallo lagu sii xoojinayo xiriirka soojireenka ah ee labada dal ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Labada Madaxweyne ayaa Shiinaha u jooga ka qeyb galka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo si toos u furmeysa berri.

Horey Madaxweynaha inta uu joogay dalkaas waxa uu la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Ra’isulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxda shirkadaha maalgashi ee waddankaasi.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay leeyihiin xiriir soo jireen ah, waxaana Madaxweynaha kulankiisa ku qotomay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...