Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareeyey Weerarkii Xarunta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow

Date:

(Muqdisho, 26 Luulyo 2018) Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa cambaareeyey Weerarkii lagu qaadey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow ee degmada Ceel-waaq.

Wasiirka oo u tacsiyeeyey ehellada dadkii ku dhintey weerarkaasi ayaa sheegay in ay kulan gaar ah arrintan kala qaateen Wasaaraddaha Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha & Dibedda degdegna looga bixin doono jawaabta ku habbon, isaga oo ku tilmaamey weerarkaas mid aan loo dulqaadan karin.

โ€œWaxa aan ka qaadi doonaa weerarkan talaabooyinka ku habboon kadib kolka ay soo dhamaadaan baaritaanada hayโ€™adaha ku shaqadda lehโ€ ayuu yiri wasiir Cashuur.

โ€œWaxaa muhiim ah in la ogaado in uu dhamaadey xiliggii isla xisaabtan laโ€™aanta oo ay tahay in cid weliba ay si dhab ah u qaadato masuuliyadeedda, waxa aanna rajaynaynaa in ay degdeg u soo dhamaadaan baaritaanadanโ€ ayuu yiri wasiir Cashuur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...