Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ku aadan gulufka ka dhanka ah Alshabaab

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaareynaysaa kooxda al-Shabab oo weerar fuleynimo ah ku qaaday  sandhig ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Aadan Isxaaq Cali, ayaa sheegay in maleeshiyada al-Shabab ay ku jabeen weerarka, oo loo adeegsaday 2 gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay iyo maleeshiyada oo weerar toos ah isku dayday in ay xerada ku qabsadaan.

“Guul darro xoog leh ayay kala kulmeen ciidamada dalka, iyadoo ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland, oo iskaashanaya ay ku raad joogaan intii ka hartay maleeshiyada al-Shabaab ee weerarka soo qaadday, mana laga hari doono ilaa la carib-tiro.” Ayuu yiri Mudane Aadan Isxaaq Cali.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Isxaaq Cali, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka, oo ka feejignaa dhagarta Al-shabaab ay halkaasi ku dileen ilaa 87 ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka naf la caariga ah soo qaaday.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, ayaa ku guuleystay, iyagoo daba socday haraaga maleeshiyada al-Shabab in ay si buuxda ula wareegeen buundada caanka ah ee Araare.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, ayaa u mahadceliyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland sida geesinimada leh ee ay u jabiyeen maleeshiyada habowsan ee al-Shabab ee caadeystay dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Ku simaha Wasiirka, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay tacsi u direyso dhamaan ehelada ay ka tageen askarta naf-hurayaasha ee ku shahiiday dagaalkan iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ay naftooda u hureen, iyadoo isla markaana Dowladda Federaalku ay ballanqaadday daweynta askarta dagaalka ku dhaawacantay, xitaa hadii loo baahdo in dibedda lagu soo daweeyo.

Maleeshiyada al-Shabab, ayaa ciidamada qaranka kala kulmay guul darrooyin isdaba joog ah muddooyinkii ugu dambeeyay. Ciidamadu ma harsan doonaan ilaa ay ka soo afjaraan hagar-daamada maleeshiyada al-Shabab iyo gabood-fallada ay kula kacaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Jiritaanka al-Shabab waa gabaabsi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...