Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ku aadan gulufka ka dhanka ah Alshabaab

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaareynaysaa kooxda al-Shabab oo weerar fuleynimo ah ku qaaday  sandhig ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Aadan Isxaaq Cali, ayaa sheegay in maleeshiyada al-Shabab ay ku jabeen weerarka, oo loo adeegsaday 2 gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay iyo maleeshiyada oo weerar toos ah isku dayday in ay xerada ku qabsadaan.

“Guul darro xoog leh ayay kala kulmeen ciidamada dalka, iyadoo ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland, oo iskaashanaya ay ku raad joogaan intii ka hartay maleeshiyada al-Shabaab ee weerarka soo qaadday, mana laga hari doono ilaa la carib-tiro.” Ayuu yiri Mudane Aadan Isxaaq Cali.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Isxaaq Cali, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka, oo ka feejignaa dhagarta Al-shabaab ay halkaasi ku dileen ilaa 87 ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka naf la caariga ah soo qaaday.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, ayaa ku guuleystay, iyagoo daba socday haraaga maleeshiyada al-Shabab in ay si buuxda ula wareegeen buundada caanka ah ee Araare.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, ayaa u mahadceliyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland sida geesinimada leh ee ay u jabiyeen maleeshiyada habowsan ee al-Shabab ee caadeystay dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Ku simaha Wasiirka, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay tacsi u direyso dhamaan ehelada ay ka tageen askarta naf-hurayaasha ee ku shahiiday dagaalkan iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ay naftooda u hureen, iyadoo isla markaana Dowladda Federaalku ay ballanqaadday daweynta askarta dagaalka ku dhaawacantay, xitaa hadii loo baahdo in dibedda lagu soo daweeyo.

Maleeshiyada al-Shabab, ayaa ciidamada qaranka kala kulmay guul darrooyin isdaba joog ah muddooyinkii ugu dambeeyay. Ciidamadu ma harsan doonaan ilaa ay ka soo afjaraan hagar-daamada maleeshiyada al-Shabab iyo gabood-fallada ay kula kacaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Jiritaanka al-Shabab waa gabaabsi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...