Muqdisho SNTV; Shirka wadatashiga ee xoojinta wadashaqeynta  iyo dhameystirka  habka
mideynta canshuraha dalka oo Muqdisho laba maalmood uga socday,
wasiirka maaliyadda xukuumadda FS iyo wasiirada maaliyadda dawlad
goboleedyada ayaa dhammaadkiisa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan
waxya abahi la isla meel dhigay, waxaana ka mid ahaa.
- in madasha wasiiradda maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan
 habamii usocodka hawlaha gudiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta
 maamulka maaliyada ee dalka.
- In la mideeyo sharuucada caanshuraha  iyo siyaasadooda guud kaaso ka
 soo bilaabanaya golyaasha dowlad gobaledyada ka hor inta aan la
 horgeynin golyaasha dowlada waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed
 ee dowlad gobaledyada.
- in shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha August dhexdeeda si
 looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.
- In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maaraynta canshuuraha
 (Automation of Inland Revenue).
- In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaas
 oo noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad
 goboleedyada iyo dawladda Federaalka.Ku simaha gudomiyaha Gobalka Benaadir ahna gudomiyaha maamulka iyo 
 maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa shegaay in ka gobal ahaan ay aad
 uu soo dhawenayaan in la mideyo canshuuraha dalka si loo gaaro nidaam
 maaliyadeed oo daah furan, islamarkaana samaynaha kobac dhaqaale.Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukumadda soomaaliya Dr C/raxmaan 
 Ducaale Beyle ayaa shegaay iney diyaar uu ayhiin dhamestirka
 mideynta caanshuraha dalka, taasoo horumarineysa nidaamka dhaqaale ee dalka
 
  
  
 
