Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xiggeenka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xiggeenka Safiirka dawladda aan walaalaha nahay ee Turkey u fadhiya Soomaaliya Mudane Cali kan Aksooy.

Waxay kawada hadleen siddii dawladda Turkey gacan ay uga geysan laheyd tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Ku xiggeenka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dawladdiisa diyaar ay tahay caawinta iyo garab istaaga Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ee xafiiskiisa uu ugu soo dhaweeyey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...