Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xiggeenka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xiggeenka Safiirka dawladda aan walaalaha nahay ee Turkey u fadhiya Soomaaliya Mudane Cali kan Aksooy.

Waxay kawada hadleen siddii dawladda Turkey gacan ay uga geysan laheyd tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Ku xiggeenka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dawladdiisa diyaar ay tahay caawinta iyo garab istaaga Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ee xafiiskiisa uu ugu soo dhaweeyey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...