Madaxweynaha Jamuuriyada oo hambalyo u diray gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka.

“Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...