Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ansxiyay golaha wasiirrada ee uu soo dhisay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
77 xildhibaan oo ka mid ah 79 mudane oo soo xaadiray fadhigii codka loogu qaadayay xukuumadda cusub ayaa u codeeyay ansixinta xukuumadda, halka 2 xildhibaanna ay diideen.