R/Wasaare Khayre”Ciyaaraha waa guul iyo horumar bulshadu ay ku socoto”

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga bilowday tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Dowlada Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa madaxda dowladda Soomaaliya waxaay ay arrintani kutilmaameen talaabooyin guul iyo horumar u ah shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisull Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay habsami u socodka tartankan ciyaaraha Kubadda Cagta ayaa sheegay in ay yihiin ciyaaraha kuwo muujinaya horumarka iyo isdhexgalka bulshada.

 

Mudane XAsan Cali Khayre ayaa bogaadiayay ciyaaraha Soomaaliya,maadaama ay qeyb ka yihiin jaranjarooyinka lagu gaaro horumar amni iyo isdhexgal bulsho,waxaana hadalka uu jeediyay xili uu gelinkii dambe shalay uu ka qeybgalay tartankii ciyaaraha ee furitaanka oo dhexmaray kooxaha Jubbaland iyo Banaadir.

 

Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa soo xaadirey garoonka waxaana dadka dareenkoodi ku jeheysanaa ciyaaraha socda iyo muhiimadda ay leeyihiin,taasi oo ku dareensiinaysa in bulshada ay u gudubtay dhinaca wanaaga in la isgudayda,lagana gudbo dhibaatada qabyaaladda iyo kalsooni darida.

 

Tartankan ciyaaraha oo ay soo qaban qaabisay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiinta xiriirka kubadda Cagta ayaa wareegii koowaad isku arkay kooxaha Banaadir iyo Jubbaland,ciyaartaasi oo aad u kululaydd kana dhacday garoonka Banadir Studium ayaa waxaa 2-1 guusha ay ku raacday Banaadir.

 

Waxaa lafilayaa in maanta ay ciyaaraan kooxaha ka kala socoda K/Galbeed iyo Hirshabeele.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...