Dhageyso: Wasiirka Amniga oo soo saarey amaro cusub

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasaaradda Amniga gudaha  xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisaya amarro cusub oo ku aadan sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo ka hortagga falalka lidiga ku ah nabadgeliyada guud.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliyta ayaa sheegay in aan Muqdisho lagu dhexwadan karin hub sharcidarro ah isagoo hoosta ka xariiqay in dadka mas’uuliyiinta ah aysan qaadan karin afar qori ka badan.

Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale diginiino ka soo saarey wararka been abuurka ah ee amniga lagu qalqalgelinayo iyo kuwo loogu gafaayo madaxda dowladda,isagoo xusay talaabo laga qaadayo dadka falkaasi ku kaca.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...