Madaxweyne Waare oo wada qorshe uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada

Date:

Jowhar(SONNA) Ilo wareedyo ay heleyso Wakaaladda SONNA ayaa sheegaya in weli Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ay ka socdaan  kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeele ayaa wadaa kulamo wadatashi ah oo ku aadan soo xulista xubanaha Golaha Wasiirada oo dhawaan la dhisidoono la yeeshey mas’uuliyiin kaladuwan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Bare iyo madaxweynaha oo ay weliyaan madaxweyne ku xigeenka ayaa wadatashiyo ku aadan qaab dhismeedka Golaha Wasiirada ku yeeshey magaaalada Jowhar.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa doonaya in ay ka mid noqdaan Wasiiradda cusub ee lasoo Magacaabayo,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in madaxweyne Waare uu wado qorshe ku aadan isbedelo cusub la sameeyo.

Waxaa laga dhursugayaa madaxweynaha magacaabista Golaha Wasiirada marka ay so dhamaadaan kulamada wadatashiyada ah oo todobaadyadii ugu dambeeyey ka soconayay magaalada Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...