ila 6 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshi katirsan Shabaab oo lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday Shabeelada Hoose.

Date:

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn hor leh oo xagga circa ah xalay lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal iyo maleeshi katirsan Alshabaab.

C/fataax Xaaji Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa SONNA u xaqiijiyay sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ilaa 6 qof oo katirsan Shabaab kuwaasi oo isugu jira horgoogayaal maleeshiyaad  oo Alshabaab katirsan.

Duqeynta ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Iidow Jalaad oo khayaas ahaantii 30 KM u jira degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

C/fataax Xaaji Cabdulle  ayaa sheegayaa in xiligii falka uu dhacayay Shabaabku ay saarnaayeen Mooto Bajaaj halkaasi ku safraysay,mana jirto faah faahin intaasi sii dheer.

Mas’uuliyiinta Gobolka ayaaa sheegaya in aanay jirin inta la ogyahay wax dhibaato ah oo ka soo gaartay dadka shacabka ah ee kunool deegaankaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...