R/wasaare Xasan Cali” waa guulaystay Qaranka Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SONNA) R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar oo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ku wareejinayay lacag laga soo Ururiyay Deegaanada Puntland ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay sameeyeen Gurmad qaran oo lagu Caawinaayay Muwadiniintii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasooo gaartay Qaraxii 14 Octobar ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS ayaa kaga mahad celiyay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay door-wayn ka qaateen Caawinta iyo garab istaaga dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Musiibadii qaran ee 14 Octobar ka dhacday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ex Soobe.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre XFS ayaa tilmaamay in ay dhacdadaasi ay ahayd mid dhamaan midaysay bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaaya Dowladdooda ayna tustay in ay hal meel kaga soo wadajeestaan Gumaadka maleeshiyada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Midnimada Dowlada iyo shacabkeeda waxaa ka dhashay go’aan wadajir ah oo ku aadan la dagaalanka nabad iyo nolal diidka ee Al shabaab ayna ka dhigan tahay in uu guulaystay Qaranka Soomaaliyeed maadama ay shacabka fahmeen gumaadka ay wadaan Al shabaab “ayuu yiri” Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...