Ciidamada X.D.S. oo Shabaab kala wareegay Deegaanno ka tirsan Sh/hoose

Date:

C/fitaax Cabdulle Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ay la wareegeen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose oo markii hore ay ku sugnaayeen nabad diidka Al shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaanada Ciidamdu kala wareegeen maleeshiyada Al shabaab ay yihiin deegaano hoostaga Degmada kuntawaaray ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa sheegay in deegaanada ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay maleeshiyaadka Al shabaab ku dhibaatayn jireen Dadka Shacabka ah balse hada ay si buuxda Ciidamada Xoogga Dalka ay gacanta ku haayaan ayna Khasaare gaar siiyeen nabad diidkii Al shabaab ee ay kala wareegeen.

Howlgalkan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula wareegeen Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gulufka Dagaal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in deegaanada yar yar ee maleeshiyaadku kaga sugan yihiin Gobolada Dalka looga gacan maroojiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...