Wakiilka Midowga Africa”Soomaaliya waxay u baahantahay midnimo xoogan

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo Soomaaliya ay haatan  cagta saareyso dhabihii horumarka iyo geedi socodka Nabadda ayaa Midowga Africa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay horumar ku talaabsato sanadaha soo socda.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa Fransisco Madiera ayaa qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka ee Amisom kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dadaalada socoda.

Danjire Madeira ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay midnimo waarta si ay dib ugu soo ceshato sumcadeedi iyo horumarka dalka uu ku laha caalamka intiisi kale.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa ayaa u rajeeyey Soomaaliya in ay ku talaabsato barwaaqo iyo horumar,isagoo xusay in haatan ay muuqato ififaalo ku aadan arrintaasi.

Dalalka Midowga Africa ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo uu ugu horeeyo amniga iyadoo qaar kamid ah wadamadaasi ay ciidamo kajoogaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...