Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis iskaashi la saxiixatay ITU

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Arjaniin oo uu ka socdo shirka horumarinta isgaarsiinta

Heshiiskan ayaa qeexaya dhinacyada ay ka wada shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo ITU. Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo jaan-goyn lahaa qeybaha ay ITU ka caawineyso Wasaaradda, sida ay dhigayaan qaraaradii ka soo baxay ururkaas, kuwaas oo faraya Xoghayaha Guud ee ITU inuu kaalmo u fidiyo Soomaaliya maadaama ay ka mid tahay dalalka saboolka ah.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Wasiir Cabdi Cashuur uu baaq toos ah ugu jeediyay Xoghayaha Guud iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee hay’addaas mar uu dhowr bilood ka hor booqday Xarunta ITU ee Geneva, iyadoo diyaarinta heshiiskan ay Wasaaradda kala shaqeysay Xafiiska ITU ee Carabta oo Soomaaliya qaabilsan.

Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada ay ka mid yihiin: diyaarinta kaabayaasha iyo sharciyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada (ICT), kor-u-qaadista aqoonta ICT, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha Machadka Isgaarsiinta Qaranka iyo in sare loo qaado sidii teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale, iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo qeybaha bulshada ee nugul.

Heshiiskan waxaa dalkeena u saxiixay wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, halka dhinaca ITU uu u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU, Brahima Sanou.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...