Madaxweynaha Puntland oo Abaalmariyey Qeybo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha Dowlada goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa abaalmarino Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku guddoonsiiyey Qeybo kamid ah Saraakiisha Ciidamada gaar ahaan ciidamada ilaalada Xeebaha   iyo booliiska maamulkaasi.

Abaalmarinta  uu Madaxweynaha Maamulka Puntland gudoonsiiyey qeybo kamid ah Saraakiisha ciidamada waxa ay ka dambeeysay  kadib markii ciidamada amaanka Puntland ay fashiliyeen weeraro iyo qaraxyo la doonayey in lagu dhibaateeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Dowlad goboledka Puntland Janaraal Saciid dheere,  ayaa sheegay in abaalmarinadan ciidamada ay ku mutaysteen shaqooyinka dhibka badan ee har iyo habeen ay hayaan, waxaana uu xusay in cutubyada la dagaalamayo Maleeshiyada Argagixisada ah ee Alshabaab ee jooga jiida hore ee Difaaca  markooda la abaalmarin doono.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in ciidamada u baahanyihiin daryeel iyo dhiiri gelin, si ay cadowga uga guuleystaan, waxaana uu ugu mahadceliyey difaaca ay kaga jiraan goobaha cadowga goor walba lagula dagaalamo.

Waa markii ugu horreysey oo munaasabad noocan ah loo Qabto cutubyo katirsan Ciidamada amaanka Puntland oo tan iyo bartamihii bishii aan kasoo gudubney heegan lageliyey,  kuwasi oo howlgalo lagu guuleystay ka sameeyey Magaaladda  Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...