Hay’adaha Amniga Canada oo Muwaadin Soomaaliyeed u xirey fal Argagixiso la xiriira

Date:

Canada(SONNA)Muwaadin Soomaali ah oo Qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa loo soo xiray weeraradii ka dhacay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, halkaasi oo shan qof lagu dhaawacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

30 sano jirkaan oo aanan magaciisa la shaacin ayaa looga shakisan yahay inuu tooriyeeyay nin booliis ah uuna maalintii Sabtida dhaawacay afar qof oo kale oo marayay wadada hareeraheeda.

Askariga booliiska ah ee la dhaawacay ayaa xakameynayay zaxmada gawaarida galeysay ama kasoo baxeysay garoon lagu dheelayay ciyaar ka mid ah tartanka kubadda cagta ee Canada, markii lagu dhuftay gaari xawaare sare ku socday kaddibna lagu weeraray mindi.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku tilmaamay ‘weerar argagixiso’.

Saraakiisha magaalada Edmonton ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu wajihi doono eedo argagixiso iyo kuwa dil,iyadoo Saraakiishu ay xaqiijiyeen in ninkan ay booliisku garanayeen.

Askarigan iyo gaarigiisa ayaa waxaa lagu dhuftay gaari yaalay banaanka hore ee garoonka lagu ciyaaro kubadda cagta ee Alberta Sabtidii,Kaddibna waxa uu darawalku dhowr mar tooriyeeyay askariga, ka hore intii uusan baxsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...