Xog-hayihii Caafimaadka Mareykanka oo xilkii iska casilay

Date:

Muqdisho(SONNA) Xog-hayihii Caafimaadka Dowladda Mareykanka Tom Price ayaa jagadii uu hayay iska casilay kadib markii uu la kulmay cadaadis xoogan oo ku aadan in diyaarado Khaas ah uu ku aaday safaro shaqo iyadoo la adeegsanayo lacagta dadweynaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay iscasilaadda xoghayihiisa caafimaadka Tom Price kaasi oo ay ku cadaatay eedeymaha loo so jeediyey.

Donal Jey Trump oo ka hadlayay dhacdadani ayaa muujiyay  in uu aad uga xumaaday ficilka wasiirkani,isagoo tilmaamay isticmaalka diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee wasiirkan in aysan la jaan qaadeyn ballanqaadyadii Trump ee xilligii uu ku jiray ololaha doorashada, taasina keentay in wasiirka uu waayo xilkiisa.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ku xigeenka xoghayaha caafimaad Don J Wright si ku meelgaar ah loogu magacaabay xilka uu baneeyay Tom Price.

Tom Price ayaa horay raaligelin uga bixiyay inuu 26 jeer diyaarado khaas ah ku safray tan iyo bishii May ee sanadkan, kharashka safarradaasina uu gaaray 400,000 oo doolar oo laga bixiyay khasnadda dowladda.

Ilaa 3 xubnood oo katirsan Wasiirada Xukuumadda Washington ayaa waxaa ku socoda baaritaano arrimahani la xiriira kuwaasi oo wajihidoona cawaaqib kan lamid ah haddii lagu helo falkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...