Xaalada Barakacayaasha ku nool degmada Xeraale oo laga dayrinaayo

Date:

Muqdisho (SONNA) Iyadoo deegaano dhaca koonfurta iyo bartamaha Dalka ay ka jirto Abaar saamaysay dadka iyo duunyada ay dhaqdaan ayaa waxaa ka mid ah deegaanada ay abaartu saamayn xoogan ku yeelatay bulshada ku nool Gobolka Galguduud gaar ahaan deegaanka Xeraale oo ka mid ah deegaanada dhaca waqooyiga Galguduud.

C/laahi Cismaan Cali oo ka mid ah waxgaradka Xeraale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay bulshada deegaanku ku nool yihiin Xaalad aan wanaagsaneyn ayna jiraan Cuduro soo wajahay qoysaska ka barakacay abaarta Dalka ka jirta.

Deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Gobolka Galguduud waxaa uu ka mid yahay deegaanada hoyga u noqday boqolaal qoys oo kasoo hayaamay abaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...