Hadal haynta iyo hurinta arrinta Qalbi dhagax waxaa hormuud ka ah rag siyaasiyiin ah oo wada olole xoog leh oo loo fasiri karo iska hor keen shacabka iyo dowladdooda.
Aamusnaan usbuuc qaadatay iyo rog rogid ka dib xukuumaddu shalay ayay hadashay oo diirka ka caddeysay sababihii ay Qalbi Dhagax u dhiibtay.
Waxayna sheegtay in Qalbi dhagax uu ka tirsanaa ONLF oo ah Jabhad dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, isla markaana xiriir leh Alshabaab.
Heshiis Iskaashi Amni
Labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, waxay horay ugu heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada iyo Jabhadaha hubeysan ee khatarta ku ah amniga labada dal.
Heshiiskan oo dhacay sanadklii 2016 waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Xildhibaan Mahad Salaad oo ahaa Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, halka dhanka Ethiopiana uu u saxiixay danjire Shamsudiin Axmed.
Qodobka saddexaad ee heshiiskan ayaa dhigayay in labada dal galeen waxa uu dhigayaa in ay si buuxda isaga kaashadaan la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha xag-jirka ah sida Alshabaab iyo UBO oo ay Ethiopia u taqaan ONLF.
Waxaa muuqata in mas’uuliyiintii heshiiskaas saxiixay qaarkood ay hadda aad uga soo horjeedaan fulintiisa. Heshiis kasta oo labo dal galaan waa in la fuliyaa.
Wasiirkii saxiixay heshiiskaas waxaa laga doonayaa in uu fulintiisa difaaco, mowqif kasta oo kaas ka duwan ee uu qaato waa mid aan laga aqbali Karin.
Markii la saxiixayay heshiiskan wasiirkii dowladda Soomaaliya matalayay wuu ka dheregsanaa in Alshabaab ay tahay koox argagixiso, sidoo kale wuu ogaa in UBO loola jeedo ONLF. Sidaas darteed bulshada iyo dadka wax gartaa kama gadanayaan isla mas’uulkii heshiiska saxiixay in uu iska bari yeelo ama uu fasiraad khaldan siiyo.
Dowladnimo iy Beelnimo
Curfiga diplomaasiyadda kuma jirto in beeli ay heshiis la gasho dal shisheeye. Sidaas oo kale wasiir xil qaran haya beeshiisa kuma matali karo heshiis lala galayo dal kale.
Sidaas darteed doodda ah in heshiiskii May 2016-dii uu saxiixay Wasiir Mahad Salaad uu ahaa mid uu beel ku matalayay waa mid aan xujo laga dhigan Karin.
Qodobka 102 ee dustuurka dalka ayaa qeexaya shaqada wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha Hoos ka eeg.
In uu beel matalo isagoo qaranka xil u haya ama uu hadda ku doodo in uu beel matalayay ayaaba khalad kale ah
Mar haddii aan ogaannay nuxurka heshiiskii labada dal galeen. Mar haddii aan ogaannay in heshiisku uu la xiriiray Alshabaab iyo UBO oo loola jeedo ONLF. Mar haddii ay labada dal u saxiixeen labo mas’uul oo idman. Waxaa hubaal ah in labada dal looga baahan yahay fulinta wixii ay ku heshiiyeen.
Su’aasha isweydiinta leh ayaa ah maxaa keenay isla mas’uuliyiintii heshiiska saxiixay ay iska bari yeelaan ama ay fasiraad kale ka bixiyaan? Maxaase keenay inay dowladda ku qaadaan olole dadka looga hor keenayo.
Jawaabtu waa sahlan tahay; waa xaqiijinta dan siyaasadeed. Waxaa doc khaldan loo duwayaa dareenka shacabka , si loo wiiqo dowladnimada.
Laakiin shacabka Soomaaliyeed way ka qaan gaarsan yihiin in marba niman dan lihi ku owr kacsadaan.
W.Q: Saadaq Xuseen Jeeri