Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan oo ka qeyb galay barnaamijka waxqabad ee ka baxa warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee dhawaan ay ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka haddana horyaalla mudanayaasha Aqalka Sare uu waxbadan ku soo kordhin doono dalka gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Daqliga.
Wasiirka Boostada ayaa sidoo kale sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka markuu dhaqan galo uu abuuri dooni Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka taasoo maamuli doonta dhaqangalka Sharciga Isgaarsiinta.
Sidoo kale Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka hadlay Xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Shirkadaha Isgaarsiinta iyo doorka ay ku leeyihiin Sharciga Isgaarsiinta Qaranka iyo haddii ay jiraan kulamo ay la yeesheen.
Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Eng. Cabdi Canshuur Ayaa sheegay in Casharkii laga bartay dhibaatada Go’itaankii Internedka in uu sababay in ay billaabeen qorshayaal looga gudbi karo haddii markale ay dhibaatadaas oo kale dhacdo.