Golaha Shacabka JFS oo ansixiyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Date:

kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimaha sharciga Isgaarsiinat dalka.

Mudanayaasha Golaha Shacabka  ayaa intaasi kadib ansixiyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo 158 xildhibaan ay ogolaatay, halka 1 Xildhibaan uu diiday.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday oo shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqey in uu sharcigaasi uu yahaya ansxa.

“158 xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 1 Xildhibaan uu diiday, sidaasi daraadeed sharciga Isgaarsiinta dalka waa ansax”, Sidaasina waxaa yiri C/weli Muude.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa waxaa horyaala ajendayaal dhowr ah iyagoo islamaanta ka hadlaya su’aal weydiin ku aadan warbixinada sharciga 112aad ee shaqada, arrimaha dibadda iyo deegaan-doorasheedka dalka oo xildhibaanada laga soo doortay waxyaabihii ay kala soo kulmeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...