Akhriso Taariikh Nololeedka Hanti Dhowraha Guud Ee Qaranka

Date:

Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 3di Agoosto, 2017.

Mudane Maxamed ayaa ah aqoon yahan leh in ka badan shan iyo toban sano oo khibrad maamul dowladeed iyo ganacsiba, kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka, maamulidda qandaraasyada.

Mudane Maxamed wuxuu jagooyin sare ka soo qabtey dowladda hoose ee Washington, D.C. ee dalka Mareykanka. Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion. Dr. Maxamed wuxuu kaloo aasaase iyo madax u ahaa hay’adda lagu magacaabo Somalia Forward Foundation (SFF) oo ah hay’ad ka shaqeysa la talinta dowladaha, shirkadaha iyo hay’adaha daneeya horumarka iyo dib u dhiska Soomaliya.

Mudane Maxamed wuxuu ka heystaa Master of Business Administration University of Maryland University College, Graduate School of Management and Technology. Wuxuu kaloo ka heystaa Bachelor of Science Accounting iyo Management Information Systems George Mason University ee dalka Mareykanka.

English

Mr. Mohamed Mohamud Ali (Afgoi) was appointed Auditor General of Federal Government of Somalia on 3 August, 2017.

Mr. Ali has more than fifteen years of experience in the public and private sectors where he managed financial operations, audits, resource allocations, small & large contracts, and negotiated disputes.

During his tenure in public service, Mr. Ali served in senior positions in the Government of the District of Columbia in Washington, D.C. He also worked in the private sector especially in the Telecom industry where he played a role one of the largest merger & acquisitions (M&E) in the United States between Nextel and Sprint, which was valued $70 Billion. Mr. Ali also cofounded and served as Executive Director of Somalia Forward Foundation (SFF), a consulting and advisory organization that serves leading businesses, governments, non-government organizations, and not-for-profits that are dedicated to rebuilding Somalia.

Mr. Ali attained his Master of Business Administration from the University of Maryland University College, Graduate School of Management and Technology. He also holds a Bachelor of Science from George Mason University where he majored in Accounting and minored in Management Information Systems.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...