Wasiirkaย Gaadiidka Cirka iyo Dhulkaย Xukuumadda Soomaaliya oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka Wasaaradda iyo Maareeyahaย Hawada Soomaaliya iyo Maareeyaha Guudย ee maamulka iyo nabad galyada garoonka, ayaa maanta sheegey in howlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan uu yahay mid si toos ahย u shaqeynayo ย laga bilaabo 12 aroornimo ย ilaa iyoย 4 saac habeenimo (06:00amโโ10:00pm)ย si bulshadu ay u helaan adeegyo duulimaad xiliyada habeenkii ah.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulkaย Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulle Salaad oo madasha ย ka hadlay, ayaa sheegeyย in ahmiyada ugu weyn ay tahay inย garoonka uu waqtiga ย habeenkii ay diyaaraduhu ku soo degi karaan islamarkaana ay ka duuli karaan.ย
โAhmiyadda aan maanta halkan u joogno ayaa ah in aan idin la socod siino, sida aad ogtihiin run-wayga ย waxaan u sameynay lights, waxyaabihii dhan waan sameeynay, laakiise diyaaradaha caalamiga ah ma ogaan Karin arintaasi, laga bilaabo manta waxaan ogeysiinaynaa shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah in garoonak uu shaqeynayo 6:00 in the morning ilaa 10:00 habeenimoโ,Ayuu yiri wasiirka Gaadiidak Cirka iyo Dhulka Dowladda Soomaaliyaโ.
Dhawaan ayey aheyd marki Raโiisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kaheyre uu furay mashruuc dib loogu howlgelinayay duulimaadyada Garoonka Aadan Caddae oo adeegyadiisa Habeenkii ay meesha ka maqnaayeen muddo ka badan 25 sano.
