Wasiirka Warfaafinta oo Faah Faahin Ka Bixiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka Ee Muqdisho Ka Furmaya Maanta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey shirka Golaha Amniga Qaranka ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Shirkan oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo saraakiisha ammaanka Soomaaliya.

“Shirkan Golaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu shir guddoominayo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin hirgelinta qorshayaasha amni ee ay dowladda Soomaaliya wado, qodobadii kasoo baxay shirkii London ee Soomaaliya lagu taageerayey waxaana shirkan uu yahay gogol Soomaaliyeed oo uu dhigay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow).

Ajandayaasha shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ah bandhigista guullaha laga gaaray qorshaha xasilinta amniga Caasimadda Dalka iyo dhameystirka qodobbo looga hadlay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee kan ka horeeyey oo ay ugu horeysay dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...