R/wasaare Kheyre oo Siishalis kala hadlay siidaynta Maxaabiista Soomaalida

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka ethiopia kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Siishalis.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka xaalada maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalkaasi Siishalis.

R/wasaare Khayre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahantahay in maxaabiistaasi lagu soo wareejiyo.

Wariyaha warbaahinta Qaranka Nasra Bashiir Cali oo ku sugan Addis Ababa ayaa soo sheegaysa kulanka ka dib in labada Masuul ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo ku aadan arintaan.

Arintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dowladda Ehiopia ay sii daysay 120-Maxaabiis Soomaaliyeed ah ka dib markii labada dowladood ay ka heshiiyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...