Wasiirka Arimaha Dibada Qadar oo si kulul ugu horyimid dalabkii loo soo jeediyey

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diiday dalabaadka ay ku soo eedeeyeen dhawr dal oo Carbeed, laakiin wuxu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin wadahadal jawi caafimaad qaba lagu kulmo.

Iyadoo ay maalin keli ahi ka harsantahay mudadii ay u qabteen dalalkaas oo Sucuudiga iyo Imaraadka Carabtu ka mid yihiin, ayaa Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, wuxuu ku celiyey in Qatar aanay aqbali doonin wax kasta oo qaranimadeeda faro gelin ku ah.

maanta oo Isniin ah ayey ku eg tahay ballantii goodiga ahayd ee ay dalalka Carbeed u qabteen inay kaga jawaab celiso liiska ay ku qoranyihiin arimaha loo gudbiyey.

Hase ahaatee ilaa hadda, Qatar si cad umay muujinin in ay diyaar u tahay in ay fuliso arimahaa laga dalbday. Waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi sheegay in dalabaadka loo soo gudbiyey yihiin kuwo albaabada oo dhan ka soo xidhay habkii lagu wada hadli lahaa, waxa keliya ee u bannaanina yahay in ay Qatar ku gacan saydho.

In kasta oo ay hadallo isku mid ah oo ka soo yeedhayey madaxda caalamku ku baaqayeen in la isku tanaasulo, ayaa waxa muuqata in aan ilaa hadda halkii la isku seeganaa waxba laga dhaqaaqin.

Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa mar labaad bartiisa Twitter-ka ku baahiyey liiska arimaha laga dalbaday Qatar ee ay ka mid yihiin in ay joojiso maal gelinta argagixisadu ay yihiin kuwo aan gorgortan geli karin.

Laakiin Qatar waxay sheegtay in saddex iyo tobanka qodob ay dhaafsiisanyihiin dalabkaa argagixiso kalkaalka ah oo ay halis gelinayaan jiritaanka iyo madaxbannanida dalkeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...