Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlayay weerarkii ay xalay kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab ay ku qaadeen Pizza House.
Madaxweynaha oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa yiri โWaxan ka tacsiyaynayaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii naxariis darrada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ka geysteen goobo ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan. Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen.โ
โWaa arrin laga murugooda in bil barakeysan, waliba 10kii dambe dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan in la laayo, waliba lagu faano ayada oo shaar diimeed la huwanyahay.โ
โCadawogan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgalyo helno, inaan shucuubta dunida la jaanqaadno, in qoysaska Soomaaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.โ
โGoobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay daโdooda u dhaxeyso 15 ilaa 25. Aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsantihiin. Maxay rajo dowladnimo idiin gashay. Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan laโdihiin!
โWaxaa jira ciidamo maalin iyo habeen dariiqyada taagan si ay amniga shacabka u sugaan. 20kii malamood ee Soonka waxaa laga hortagay falalkan noocan oo kale ah. Waxayna ku timid wada shaqeynta shacabka iyo hayโada ammaanka. Wadashaqyentaas waa in lasii xoojiyaa. Dabar goโa Al shabaab wuxuu ku xiranyahay isku soo dhawaanshaha hayโadaha amniga iyo shacabka.โ
