Ciidammada amniga oo dad ay ajaanib ku jiraan ka soo badbaadiyey maqaayaddii la wareeraray caawa

Date:

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey  dad isugu jira ajaaniib iyo Soomaali kuwaas oo ku jiray gudaha Maqaayadda Posh Treats oo caawa fiidkii qarax xooggan uu ka dhacay agagaarkeeda.

Wararka ayaa sheegaya in in dadka la soo bad baadiyay ay isugu jiraan Itoobiyaan iyo Kenyan oo shaqaale ka ahaa Maqaayada Posh Treats.

Sidoo kale waxaa la soo bad-baadiyay dad kale oo ahaa dadkii maqaayadda ka cunteynayay, waxaana markii hore jiray xaalad hubaal la’aan.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxaya qaraxa oo bartilmaameedkiisa la sheegay inuu ahaa maqaayada Posh, hase ahaatee waxaa muuqata in qaraxyada ay si isku mid u saameeyeen labada Maqaayadood ee Pizza House iyo Posh Treats.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan lix ruux ay ku dhinteen qaraxa, isla markaana ay jiri karaan in khasaaraha intaan ka badan karo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...