Shirka Golaha Wasiiradda ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Degmada Balcad.

Date:

Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta Shirkoodii caadiga ah ku yeelanayo Magaaladda Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe waxaana shirgudoomin doono Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa baahinta nidaamka dowliga ah ayadoo warbixino looga dhageysan doono qaarkamid ah Golaha Wasiiradda uu ka midyahay wasiirka Cadaaladda Mudane C/qaadir Cusmaan C/salaan oo ka warbixin doono waxyaabihii u qabsoomay mudadiii uu xilka haayey.

Sidoo kale waxaa kulan kasoo qeyb geli doono Gudoomiyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Maamulka Degmadda Balcad asagaa warbixin guud ka bixin doono Xaaladda Magaaladda Balcad iyo waxa u qabsoomay mudada kooban ee uu joogay.

Waa markii ugu Horeeysay ee shirka Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Hirshabeelle lagu qabanaayo Magaaladda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...