Eng. Yarisow “Uganda oo naga aqbashay fudueynta Dal-Ku-Galka Uganda”

Date:

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa kulan la qaatay Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda ahna Wasiiru Dowlaha Mr Obiga Kania. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida in Soomaalida loo fududeeyo dal-ku-galka dalka Uganda, sharciyada dal-ku-joogista iyo arrimo kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyn Wasiirka uga mahadceliyey qaabilaadiisa iyo sida dalka Uganda loogu soo dhoweeyey. Wasiir Yarisow ayaa warbixin kooban ka siiyey Mr Obiga Kania xaalada dalka, iyo horumarka ay dowlada ku tallaabsatay tan iyo 8dii Feberaayo.

Wasiir Obiga Kania ayaa Wasiir Yarisow uga mahadceliyey booqashadiisa, waxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey doorashadii 8dii February iyo sidii sida nabada laheyd oo ay Madaxdu u kala wareegeen Madaxtinimadii. Wasiir Kania ayaa sheegay in Dowlada Uganda ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka wallaaltinimo ee labada dal.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka codsaday Wasiir Obiga Kania in Soomaalida loo sahlo oo loo fududeeyo Dal-ku-galka isagoo sheegay in tan iyo intii online laga dhigay dalbashada visaha ay adkaatay helisteeda, iyadoo ardey fara badan oo Jaamicadaha Uganda iska diiwaangeliyey ay ku adkaatay in dal-ku-galkii ay ku helaan waqtigii ay waxbarashadu bilaabaneysey. Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa ka codsaday Wasiir kania in ardeyda Jaamicadaha ka barta Uganda loo fududeeyo sharciyada dal ku joogista (Student Pass). Ugu danbeyntii Wasiir Yarisow ayaa ka codsaday in Soomaalida loo fududeeyo dal ku galka Uganda.

Ugu danbeyntii Wasiir Obiga Kania ayaa sheegay inuu dib u eegis ku sameyn doono oo Soomaalida loo fududeyn doono inay helaan Dal-ku-galka dalka Uganda, isagoo sheegay in Soomaalida ku sugan Uganda ay yihiin dad sharaf iyo karaama leh, bulshada Uganda ay aad u jecelyihiin. Sidoo kale waxuu ballanqaaday in ardeyda loo fududeyn doono student pass.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...