Degmada Kaaraan oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenkii Lixaad tartan cilmiyeedka degmooyinka gobollada dalka ee Warbaabinta Qaranka, isla markaana uu taabgelinayo maamulka gobolka Benaadir,  waxaa ku tartamay Boosaaso oo ka tirsan gobolka Bari iyo Kaaraan o ka tirsan gobolka Benaadir.

Tartranka oo xiiso gaar ah lahaa, waxaa labada degmo  la hor-dhigay toddoba su’aal degmadiiba, iyadoo sidoo kale qeybta koobaad ee tartanka lagu nastay warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda Boosaaso iyo Kaaraan.

Dhammaadka tartanka guddiga ayaa soo gudbiyey natiijada.

Kaaraan oo ka tirsan gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddobo su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen saddex su’aal afar su’aal ayeey iska qaldeen, si ka faa’ideysi ahna hal ayeey uga jawaabeen sidaa darteed waxa ay uruursadeen sideed dhibcood (8 dhibcood).

Natiijada Boosaaso

Boosaaso iyaguna waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay ka jawaabeen laba su’aal, shan waa ay ka qaldeen wax ka faa’ideysi ahna ma helin, iyagana waxa ay heleen afar dhibcood

(4 dhibcood).

Tabasho Boosaaso ka timid

Degmada Boosaaso ayaa soo gudbisay cabasho ku aaddaneyd su’aal la weydiiyey oo ay si qalad ah uga jawaabeen, guddiga iyo macallimiintii su’aallaha soo diyaariyey  ayaa ka qanciyey tabashadooda Boosaaso, sidaas ayeeyna ku akhbaleen in looga adkaadey.

 

Habeen dambe, waxaa tartami doona degmooyinka kala ah Dharkeynley oo gobolka Benaadir ka tirsan iyo Kismaayo oo ka tirsan Jubbada Hoose.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda...