Michael Keating oo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan

Date:

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Michael Keating, ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo u aadan bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta ay tahay maalintii ugu horeysay.

“Sanadkan, bisha Ramadan waxay ku soo beegantay iyadoo 6.7 malyan oo Soomaali ah oo ay kamid yihiin boqolaal kun oo barakacayaal ah ay u baahanyihiin gargaar bani’aadanimo abaarta darteed. Tani waxay ka dhigeysaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda laguna horumarinayo daryeelka ,” ayuu yiri danjire Keating.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeena ku aaddan bil nabdoon, faa’iido leh oo barakeysan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...