Ra’iisul Wasaare Kheyre oo bilaabay qorshe uu kula xisaabtamayo wasiiradiisa

Date:

Si looga dhabeeyo qorshaha isla xisaabtan iyo dowladd wanaagga ee ay wado xukumadda ayaa  maanta waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya kulamo isla xisaabtan iyo is xog wareysi  ah la yeeshay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda.

Ra’iisul  wasaaraha xukumadda  federaalka Soomaaliya ayaa si gaar gaar ah  ula kulmayey  wasiiradda waxa uuna  ka dhagyesanayey qorshaha wasaaradahooda, caqabadaha  uu kala kulmay intii uu xilka  haayey,  sid uu u diyaariyey   hananka looga gudbo   Caqabadaha  jira iyo qorsha  howleedka wasaradda  ee 100-maalin ee ugu horaysa taas oo la waafajinayo qorshaha  Dowladda ee Nabad iyo Nolol.

Ra’iisul Wasaare kheyre  ayaa kula dar-daarmay in ay ka fogadaan wax kasta oo keeni kara maamul xumo iyo Musuq maasuq .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...