Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Turkiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u duulay Waddanka Turkiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirrada iyo Xildhibaanno, waxaana halkaasi ay kula kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda labada dowladooda ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah labo dowladood oo saaxiib ah waxaana Turkigu uu ka caawiyaa Soomaaliya dhinacyo badan.

Xigasho SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...